Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/03/2024 Duración: 02minNin 30-meeyo jir ah oo meydkiisa fiidnimadii arbacadii shalay laga heley meel dibadda ah magaalada Katrineholm. Ku dhowaad shan daloolow meel cunnada caalamka laga soo saaro ayaa sannad walba la xooraa, halka dad ka badan 780 malyan aaney heysan cunno ku filan. Dacwad laga gudbiyay shirkadda iswiidhishka ee tubaakada - Swedish Match iyo shirkadda iska leh ee Philip Morris. Haweeney lagu soo oogey dacwad la xiriirta inay 500 oo jeer wacday telefoonka gargaarka degdegga ee SOS (112) 2 sano.
-
Wararka maanta ee Raadiha Iswiidhen
27/03/2024 Duración: 02minMarka uu bilowdo tartanka is-reereebka horyaalka Sweden ee ragga sabtidan foodda innagu soo haysa ayaa 224 taageereyaal laga mamnuucay garoommada. Inta lagu guda-jiro ciidulfuska (påsk) ayay hawadu ku bilaaban doontaa roob dhanka koonfurta iyo baraf ka da'a nawaaxiga waqooyi. Magaalada Uppsala ayaa loo qabtay nin25-meeyo jir ah kadib toogasho ka dhacday fiidnimadii salaasadii xalay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaaha Iswiidhen
26/03/2024 Duración: 02minDabayaaqada sanadkan, ayaa booliiska loo ogolaan doonaa in ay bilaabaan isticmaalka 'rasaasta' nooca caaga ah, kuwaas oo lagu ridi kari doono shakhsiyaadka handadaada wada kolka ay dadka isugu soo baxaan. In badan oo iswiidhish ah ayaa isku arka inay la kulmaan cimilo aad u daran nolol maalmeedkooda, sida lagu sheegay sahan la sameeyay. Wiil 19-sano jir ah ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu dil geystay. Hase yeeshee iska dheereeyay dembigaa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/03/2024 Duración: 02minJoogsigii ama hakadkii dheeraa ee gawaarida oo ka dhacay wadada E22 ee gobolka Skåne bishii Janaayo ayaa ahaa mid laga hortagi karay. Sababo la xiriira ukumaha oo ku yar dalka Iswiidhen, ayaa ku dhawaad 18 boqolkiiba ukunta laga soo dhoofiyaa dalal kale, sida uu qabo ururka warshadaha ukunta ee Svenska ägg. Tafatiraha wargeeyska Expresen Klas Granström ayaa lagu helay dambi ah inuu sumcad dil geystay, sida uu sheegay telefishinka SVT.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/03/2024 Duración: 01minHaweeney 40 jir ah oo meeydkeeda laga heley fiidnimadii shalay guri ku yaalla farasmagaalaha Linköping - ayaa loo qabtay nin lagu tuhusan yahay faldembiyeed dil. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa dheereeyey wakhtigii taageerada gunnada ee kirooyinka qoysaska ilmaha leh. Waxaahoos u dhacday tirada Iswiidhishka ku nool gunnooyinka dhaqaale ee taageerada.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
21/03/2024 Duración: 02minWill 17 jir ah oo lagu eedeyey inuu diley gabadh ay isku da'a yihiin. Gabadh macallimad ah iyo ninkeeda oo iibiyey xadi badan ooah maandooriyaha kookaaiin-ta. Nin loo haysto laba dil ayaa dhawr jeer maxkamada ka baaqday inuu ka soo muuqdo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/03/2024 Duración: 01minLagama helin wax maadooyinka qarxa ah duleelka markabkii rakaabka ee khalfoofkii Estoniya. Shirkadda farmashiyada ee lagu magacaabo Hjärtat ayaa dejisay nidaam inaan laga iibin karin alaabooyinka maqaarka lagu daryeelo wixii 15 sannadood ka yar. Gobolka Västerbotten ayay malyuunaad lacag ahi u baaqdeen markuu kafee bilaash ah u soo rogay shaqaalihiisa afar sannadood ka hor.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/03/2024 Duración: 02minShirkadaha iswiidhishka ayaa sannadkii 2023 u gudbiyey heyadda yuribiyaanka ee ku shaqada leh, codsiyo xuquuqda dhowrista hindisaha. Si loo soo jiito shaqaale ka howlgala goobaha daryeelka waayeelka ee Skellefteå ayaa loo ballan qaaday kaalmo dhaqaale oo ey ku qaadan karaan leysinka darawalnimo. Laba sannadood ayaa ka soo wareegtey markii lagu dhawaaqey in laga gudbey xanuunkii safmareenka ahaa ee covid-19, hase yeeshee uu dadka weli muhiim u yahay iney is tallaalaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/03/2024 Duración: 02minKoox ka kooban 35 qof ayaa wax kaga cunay oo kaga cabbey lacag gaarsiisan 82,000 karoon maqaayad balse aanan bixin lacagtii. Wiil 16 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay wiil 15 jir ah, dilkaasi oo ka dhacay magaalada. Kooxda u dhaqdhaqaaqda arrimaha cimilada ee loo yaqaan Friday for Future ayaa mudaaharaad ka hor sameeyey intuu uu socday shirka guud ee shariikada diyaaradaha SAS.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/03/2024 Duración: 02minHeyadda taageerada ee Sida ayaa go'aan ku gaartay inay dib u biloowdo taageeradii ururka qaxootiga falastiiniyiinta ee UNRWA. Heyadda saadaalinta hawada SMHI ayaa bixisay digniinta jaallaha baraf xooggan iyo dabeeylo oo ka dhici doona gobollada Stockholm iyo Uppsala sabtida iyo axadda. Nin 19-jir ah ayaa rummaanka loo dhigey tuhun looga qabo dilkii nin meydkiisa laga heley boorso nawaaxiga Värmdö. Xiisaha loo hayay tartankii heesaha hirgaley Yurub ee sannadka ayaa ah mid aad u sarreeya.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
14/03/2024 Duración: 02minBoliiska ayaa saqafyada magaalada Malmö ku meeleeyn doona qalabka duula. Lacagta caddaanka ayaa weli muhiimad ku fadhida. Xisbiyada Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ayaa albaabka u furay in dib loo xeereeyo sacadaha macalimiinta. Booliska oo ay haysato dhar la'aan iyo qalab la'aan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/03/2024 Duración: 02minHaweeney ku nool nawaaxiga Ångermanland ayaa lagu soo oogay dacwad ah xadgudub aad u daran iyo isku day dil oo ay u geysatay gabadheeda oo dhigata dugsiga xanaanada. Ma cadda haddii - iyo goorta - beerta biyaha Oceana ee Liseberg oo ku taalla magaalada Göteborg dib loo dhisi karo dabkii ka kacay ka dib. Darawalada gaadiidka yar ee xamuulka lagu qaado aaya ah kooxda shaqada ee ugu shilalka badan ee warshadaha.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/03/2024 Duración: 03minDiyaaradaha dagaalka F17 ee ka soo duulayay garoonka Kallinge ee gobolka Blekinge, ayaa soo gabagabeeyay howlgalkii ugu horeeyay ee Iswidhan oo xubin ka ah NATO. Greta Thunberg oo ay weheliyaan dad kale oo u dhaqdhaqaaqa cimilada, ayaa xannibay jidadka soo gala baarlamaanka. Waxaa jira farqi xooggan oo u dhexeeya qiimaha tallaallada TBE ee u dhexeeya gobollada dalka. Ardayda dhigata dugsiyada dawladda ayaa ka wanaagsan ardayda dhigata dugsiyada madaxa bannaan marka ay u gudbaan jaamacadaha.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/03/2024 Duración: 01minMadaxda maamullada waaxaha baarlamanka ayaa la siin doono aqoonkororsi la xiriira muqaadaraadka iyo masuuliyadda bii'ada shaqo. Tartanka heesaha hirgaley ee Yurub ayey sannadka u meteli doonaan fannaaniin u dhashay dalka Noorwey. Ciidanka ammaanka ayaa baaris ku haya faldembiyeedyo la xiriira dil iyo meel kaga dhac meyd oo ka dhacay nawaaxiga Värmdö.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
08/03/2024 Duración: 01minToban qof ayaa lagu soo oogay dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Faraskii Iswiidhan ugu da'da weynaa ayaa dhintay. Afar qof oo lagu raadjoogay ayaa la dhigay xabsiga, waxa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dil.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
07/03/2024 Duración: 02minSweden ayaa u soo bandhigtay Israel iyo EU wada xajood la xidhiidha baahida binadamnimo ee ka taagan Qaaza. Sanadkii hore waxa Sweden ku dhashay tiraduu ugu yareyd ee ilmo ay haween dhalaan. Xirfadda ugu caansanayd sannadkii 2022 ayaa ahayd xirfada kalkaaliyaha hoose.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/03/2024 Duración: 02minMaxkamadda sare ayaa go'aan ku gaartey in aanay ogolaansho siin dacwaddii caanka ahayd ee Hmiid Nouray. Laba ka mid ah dayuurradaha bambooyinka qaada oo laga leeyahey dalka Mareekanka ayaa dulmarey caasimadda Stockholm. Nin 35 jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad ka dhan ah oo la xiriirta inuu ka dambeeyay isku day dil.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/03/2024 Duración: 02minXasaasiyada geedaha laga qaado ee xiliga gu'ga ama pollen ayaa sannadkan la saadaaliyaya in uu noqon doono mid ka khafiifsan kii sanadkii hore. Bariga Dhexe ayaa ahaa suuqa ugu kobaca badan dhoofinta ee shirkadaha Iswiidhusku sameeyeen sannadkii hore. Dhibaatada ka jirta gelitaanka adeegga sanduuqa boostada dhijitaalka ah ee Kivra ayaa wali barteeda ka sii socota.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/03/2024 Duración: 02minQiimaha cunnada ayaa ku socdo koror heerka ugu deg dega badan muddo sannad ku dhawaad. Norway ayaa guul ka gaadhay sanadkan tartanka ee Vasalopp, oo sanadkan 100 jirsaday. Xiddiga usha ku booda ee Armand Duplantis ayaa sidii la filayey ku guuleystay biladda dahabka ee ciyaaraha gudaha adduunka ee ka socda Glasgow. Andreas Kramer ayaa shalay ku guuleystey biladii ugu horeysay abid ee Iswidhan ay ka hesho ciyaaraha adduunka ee tartanka orodada masaafada dhexe ee dhanka raga oo ka socda Glasgow.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
01/03/2024 Duración: 01minDugsi hoose dhexe oo ku yaalla Skövde ayaa maanta loo xiray sababa la xiriira calool xanuun ku yimid ardayda iyo shaqaalaha. Nin ayaa loo xiray tuhuno kharibaad ah ka dib markii uu dab ka kaciyay godka tareenka maro ee garoonka diyaaradaha Arlanda. 143 bisad-duureed ayaa laga yaabaa in la toogto marka ugaarsiga shatiga uu bilaabmo maanta oo Jimca ah.